Guddoomiyaha golaha hogaaminta beelaha Shambarre Prof. C/risaaq Caliyow Cusmaan (Boob) ayaa sheegay in ay layaab ka noqotay magaca qaldan ee shirkii Carta loogu yeeray beelaha Jareer weyne magacaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid yastiin ah oo aan la qaadan karin taas oo ah Others oo uu sheegay in yihiin dadka tirada yar ee aan haysan meel ay degaan isla markaana Jareer weynuhu dego 9 gobol oo ka mid ah 18-ka gobo lee Soomaaliya “hadii wanaag la rabo yaan la isku dir qin wax aan la aheyn waxaana ka codsanayaa beelaha Soomaaliyeed ee walaalaheen ah in aysan Jareer weyne duudsiin xaqooda maadaama ay yihiin dad ku caan baxay wax soo saarka & nabada”
Sidoo kale wuxuu dhaliilay qaabka loo qeybsaday ergooyinka shirka Eldoret ee beelaha Soomaaliyeed